Friday, April 19, 2024

Soomaaliya oo heshiis dhanka taageerada ciidamada la gashay UNSOS iyo ATMIS

New York (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis dhanka taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya la gashay xafiiska Qarmada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOS iyo xafiiska nabad ilaalintaa Midowga Africa ee ATMIS.

Heshiiskaan ayaa ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka oo hadda uu ka socdo shirka looga hadlayo amniga Soomaaliya.

Waasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray “Waxaan magaalada New York ee dalka Mareykanka ku kala saxiixannay heshiis saddex geesood ah oo ay ku heshiiyeen UNSOS, ATMIS iyo DFS kaas oo loogu talagalay taageerada saadka qeyb ka mid ah Ciidamada Amniga Soomaaliya”

Shirka amniga oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayuu Madaxweynaha Soomaaliya soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sida ay Villa Somalia hore u shaacisay shirka waxaa lagu lafa guraya Horumarka iyo Caqabadaha ka jira Laamaha Amniga Soomaaliya, Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Taageerada Caalamiga ah ee Soomaaliya ee Amniga iyo Horumarka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here